Diyaarad Khaad wada oo maanta kasoo degtay garoonka C/laahi Yuusuf ee Gaalkacyo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in saakay oo Khamiis ah garoonka diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf ay kasoo degtay diyaarad Khaad ka keentay dalka Kenya, kadib markii maalintii shalay ahayd aan magaaladaasi wax Khaad ah la geyn.

Diyaaradaan ayaa la sheegay inay kasoo duushay garoonka Wilson Airport ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay waday Khaad fara badan oo laga dejiyay garoonka C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ganacsato badan oo ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegayaa inay maanta u dabaal-degayaan Khaadkaan maanta la keenay iyo sidoo kale dadka Khaadka isticmaala, maadaama aanay shalay helin wax Khaad ah.

Ganacsataasi ayaa doonaya inay Khaadka geeyaan deeganada kale ee qaad la’aanta ka jirta si ay uga helaan macaash badan oo ku aadan sicir bararka xilligaan ka jira Khaadka.

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in diyaarado kale oo Khaad wada ay ku wajahan yihiin deegaanadda ay ka arrimiso Puntland, iyadoona taas ay muunjineyso sida maamulka Puntland uga horyimid amarkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay Khaadka.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta keentay in diyaaradaan ka timid magaalada Nairobi ee Khaadka sida ay ka degto garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay soo saartay amar mamnuucaya in guud ahaan dalka aysan ka degi karin diyaarad Khaad ka keentay dalka Kenya.

error: Content is protected !!