Wararkii ugu dambeeyay shirka madasha iyo qodobo dhowr oo weli la isku mari la’yahay (DHAGEYSO)

Waxaa maalintii seddaxaad xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ka soconaya shirka madasha wadatashiga qaranka oo ay yeelanayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka, waxaana shirka weli la isku mari la’yahay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin tirada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo horay maamulka Puntland xubno dheeri ah loogu daray.

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shirkaan kii ka horeeyay safar caafimaad ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa kulanka ka dhex furay dood kahor imaaneysa madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo kulankii kan ka horeeyay xubno dheeraad ah siiyay Puntland.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in arrin la aqbali karo aysan marnaba aheyn in xubno dheeraad ah loogu darro Puntland, taas badalkeedana wax matalaad ah uusan gobolka Banaadir ku yeelan Aqalka Sare, waxayna taasi keentay in buuq iyo dood adag ka dhax abuurtay shirka madasha wadatashiga Qaran.

Dhinaca kale, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhinaciisa goobta talo kasoo jeediyay ayaa sheegay in gabi ahaanba meesha laga saaro dooda Aqalka Sare, taas oo jah-wareer ku abuurtay shirka madasha, maadaama Soomaaliya dhaqaale ahaan xamili karin labo Aqal oo laga yaabo in marka danbe ay isku qabtaan dhinaca awooda sharciga dalka.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa gabi ahaanba dhinaciisa qaadacay dooda Shariif Xasan iyo C/kariin Xuseen Guuleed, isaga oo sheegay hadii meesha laga saaro Aqalka Sare micnaheedu noqonayo in Soomaali ay sii kala fur-furato.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo haatan lama oga sida uu shirkaan noqon doonno, waxaana shirka kan xigga la dhameystiri doonnaa arrimaha kale oo caqabad ku noqday in shirka uu waqti kooban kusoo gaba-gaboobo islamarkaana lasoo afjaro arrimaha caqabadaha ku noqday dhameystirka shirkaas.

error: Content is protected !!