Wararka naga soo gaaraya gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in ciidamada xoogga ee dalka Soomaliyeed iyo kuwa daraawishta ee maamulka Jubbaland ay si nabad-gelyo ah kula wareegeen deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60-km u jirta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Ciidamadaan huwanta ayaa si nabad-gelyo ah kula wareegay deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka J/hoose, waxaana mudooyinkii dambe deegaankaasi ku sugnaa dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayaa deegaanka Cabdalla Biroole weerar uga soo qaadi jiray deeganada kale ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland, waxaana xilliga ay ciidamada huwanta ah la wareegayeen aysan la kulmin wax iska caabin ah oo kaga yimid dhanka Xarakada Al-shabaab.
Dadka deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka J/hoose ayaa si heer-sare usoo dhaweeyay ciidankaan huwanta ah ee haatan la wareegay gacan ku haynta deegaankaasi.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalkaan ay ciidanka huwanta kula wareegeen deegaanka Cabdalla Biroole ayaa ah mid bilow u ah howlgalka loogu magac daray Wabiga Jubba ee deegaanada Jubbaland loogu sifeynayo Xarakada Al-shabaab.