Madaxweyne Xasan oo shaaciyay sababta ku kaliftay inuu wareegto soo saaro xilliga kala guurka (DHAGEYSO)

Xilli saxaafadda qaarkood ay hadal haayaan sababta keentay iyo waxa madaxweyne Xasan Sheekh ku kalifay inuu wareegto deg deg ah soo saaro kadib markii uu ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka madaxtinimada ee doorashada dhici doonta sanadkaan 2016-ka ayaa arrinkaasi faah faahin dheeraad ah waxaa ka bixiyay madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sababta ku kaliftay uu wareegto deg deg ah kusoo saaro ay ahayd inuu ka digo inaan marnaba lagu takri falin islamarkaana aan hantidda qaranka loo isticmaalin ololaha doorashada, xilligaan lagu jiro xilli kala guur ah.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh tilmaamay in mas’uul kasta oo ka tirsan dowladda Soomaaliya uu xil ka saaran yahay inuu ilaaliyo shuruucda iyo dastuurka u degsan dalka, si loo gaaro dowladnimo wanaagsan.

“Muhiimadayda waxay ahayd, xilliga kala guurka ah oo uu dalka maraayo marxaladda xasaasiga ah, inaan lagu takri falin awoodnimada dowladda, oo aanay dhicin in loo isticmaalo dowladnimada iyo dhaqankeena si ku saabsan ama la xiriirta arrimaha ololaha doorashooyinka aan loo isticmaalin, dad badan oo qabi kara ama ku fikiri karo iyagoo ay fursadooda dhamaato inay ku tacadiyin hantida iyo habka dowladnimada” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale sheegay in sababaha kale uu wareegtadda usoo saaray ay tahay in dowladda soo socota ee imaan doonta hadda kadib aanay caqabado jidka loosii dhigin islamarkaana mashaariic iyo balanqaadyo aanay dowladdu berri ka bixi karin aanay hadda wadada loosii dhigin.

” Waxaa sidoo kale diidaynay in xukuumadda ama dowladda imaan doonta doorashada ka bacdi, inaan hadda caqabado jidka loo sii dhigin, oo mashaariic iyo balanqaadyo oo dhib ku noqon doonta aan hadda wadada loosii dhigin, iyadoo ay taasi u badan tahay inaan si shaqsi ah looga faa’ideysan arrinkaasi, laakiin aan la eegeynin caqabadaha ku imaan kara dowladda soo socota” Ayuu madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa raacin.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay in wareegtadaasi guud ahaantaada ay uljeedkeeda ahayd u hiilin dowladda soo socota iyo dhowrista dhaqanka suuban ee dowladnimada.

error: Content is protected !!