Faroole “Wixii maalinta berri ah ka dambeeya waa inuu Xasan Sheekh xilka wareejiyaa..” (DHAGEYSO)

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (C/raxmaan Faroole) islamarkaana ka mid ah musharixiinta u tartameeysa doorashada xilka madaxtinimo ee Soomaaliya oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aan la oran karin madaxweyne, wixii ka dambeeya berri oo ay taariikhdu tahay 11-ka September ee 2016-ka.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in berri subixii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud looga baahan yahay inuu xilka iska wareejiyo islamarkaana baneeyo xafiiska, maadaama mudadii 4-ta sanno ahayd ay u dhamaatay.

“Wixii maalinta berri ah ka dambeeya waa inuu Xasan Sheekh xilka wareejiyaa, islamarkaana loogu yeeraa madaxweynihii hore Soomaaliya, sida aniga haatan la iigu yeero madaxweynihii hore ee Puntland” Sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Faroole.

Sidoo kale, C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in afartii sano uu madaxweyne Xasan Sheekh xilka haayay ay ahayd waqti qasaaray islamarkaana ay ahayd 4-sano oo NGO, Bililiqo iyo Khasaaro, waxaana uu cod dheer ku sheegay in waqtigaan ay Soomaaliya u baahan tahay isbadel.

“Mudadda afartii sano ahayd ee uu xilka haayay Xasan Sheekh Maxamuud waxay ahayd afar sano oo NGO ah, Afar sano oo bililiqo ah iyo Afar sano khasaaro ah, inta laga soo dhisaayo dowlad cusub Xasan Sheekh waa inuu xafiiska ku wareejiyaa guddoomiye Jawaari, waxay haatan Soomaaliya u baahan tahay isbadel dhinac kasta ah” Sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Faroole oo muddooyinkii ugu dambeeysay warkiisa la waayay.

Ugu dambeyntii, C/raxmaan Faroole ayaa intii uu madaxweynaha ka ahaa maamulka Puntland waxaa lagu xusuustaa inuu muddo sanad ah si iskiis ah xilka ugu darsaday, kadib markii uu ka dhamaaday xilligii sharciga ahaa ee loogu tala-galay inuu xilkaasi haayo.

error: Content is protected !!