Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay sababta keentay xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho (DHAGEYSO)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goordhaw saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay sababaha keenay in la xiro wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay sababta wadooyinka loo xiray inay tahay xaqiijinta ammaanka magaalada Muqdisho, oo dhawaan ka dhici doono shir madaxeedka urur goboledka IGAD, islamarkaana la doonaayo in ammaanka si wanaagsan loo sugo, maadama ay magaalada imaanayaan wufuud caalami ah.

Dhinaca kale, wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay bulshada Soomaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya inay muujiyaan adkeysi inta laamaha ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ku mashquulsan yihiin xaqiijinta amniga magaalada.

“Sida aad hore saxaafadda uga maqasheen waxaa Muqdisho ka dhici doono shirka urur goboleedka IGAD, taas oo taariikh weyn u noqon doonto Soomaaliya, waxay dowladda Soomaaliya haatan ka shaqeynaysaa sidii ay ku sugi lahayd amniga wadooyinka oo ay wufuud caalami ah kusoo wajahan yihiin, waana dareemi karnaa in bulshada Soomaaliyeed ay culeys ku tahay in wadooyinka la xiro, xilli ay nagu soo fool-leedahay maalinta ciidda, waxaan ka codsanayaa bulshada inay dulqaad yeeshaan intii uu shirkaasi soconaayo maadaama aan leennahay cadow oo weerar nagu ah” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii labaad ay xiran yihiin wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka Maka Al-mukarama, Sodonka iyo Wadnaha, waxaana guud ahaan wadooyinkaasi laga mamnuucay isu socodka gaadiidka rayidka ah, halka loo ogolaaday kaliya inay goobahaasi maraan gaadiidka dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!