Odayaasha beesha Mudulood oo magaalada Jowhar ku qul-qulaya iyo shirka halkaasi oo dib u furmaya (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xubno isugu jira odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Mudulood ay ku qul-qulayaan magaaladaasi, halkaas oo la sheegay inuu dhawaan dib uga furmi doono shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Odayaal dhaqameedyadda beesha Mudulood oo ay horkacayaan Iimaam Maxamuud Iimaan Cumar iyo Ugaas Maxamuud Cali Gaas ayaa maanta si weyn looga soo dhaweeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, kuwaas oo markii hore ka caga jiidayay ka qeyb galka shirka Jowhar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaashaasi cadaadis xoogan ku saaray inay kasoo qeyb-galaan shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, isagoo xilligaasi arrinta u xil-saaray wasiiru dowlaha maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/laahi Maxamed Nuur.

Wasiiru dowlaha maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/laahi Maxamed Nuur ayaa ka mid ahaa wafdigii maanta  la socday odayaal dhaqameedyadda beesha Mudulood, oo ay horkacayeen Iimaam Maxamuud Iimaan Cumar iyo Ugaas Maxamuud Cali Gaas.

Dhinaca kale, waxaa haatan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe gadaal la riixaya urur goboleedka IGAD iyo Itoobiya, kuwaas oo taageero buuxa ka haysta dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, odayaasha beesha Xawaadle iyo gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa si aan ganbasho lahayn si wadajir ah uga soo horjeestay ka qeyb-galka shirka Jowhar, waxayna sheegeen inaysan marnaba ka qeyb gali doonin shir ay gadaal ka riixayaan urur goboleedka IGAD.

odayaasha_mudulood_01 odayaasha_mudulood_03 odayaasha_mudulood

error: Content is protected !!