Wararkii ugu dambeeyay shirka madasha wadatashiga iyo warar sheegaya in C/weli Gaas uu shirkaasi isaga baxay

Wararka ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in shirka madasha wadatashiga Qaran uu weli ka taagan yahay khilaaf, kadib markii madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ay maanta isaga baxeen shirka.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegayaa inuu ka xanaaqay arrinta ku saabsan Aqalka Sare ee gobolka Banaadir iyo dacwad weli daba-taagan xubnihii Puntland loogu daray.

Qaar ka mid ah madaxda shirka madasha wadatashiga Qaran ayaa soo jeediyay in gebi ahaan meesha laga saaro qodobka ah Aqalka Sare, maadaama arrintiisa ay in muddo ah soo jiitamaysay, islamarkaana ay u muuqato mid aan haatan xal laga gaari karin, waxayna taasi keentay in C/weli Gaas iyo wafdigii la socday ay shirka isaga baxaan.

Shirka madasha oo ay hareeyeen muran iyo khilaaf baahsan ayaa u muuqda mid uu weli C/weli Gaas weli ka biyo diidan yahay in qodobka Aqalka Sare meesha laga saaro, inkastoo madaxdaasi badankood ay maalintii shalay isku raaceen in gobolka Banaadir xubno laga siiyo Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub balse uu khilaaf hareeyay arrinkaas.

Dhinaca kale, warar hoose oo ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaysa in madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa lagu qanciyay in qodobka Aqalka Sare aan laga saari doonin shirka, islamarkaana ay dib ugu soo laabtaan ka qeyb-galka shirka.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaan oo haatan u muuqdo mid aan natiijo fiican kasoo bixi doonin ayaa laga yaabaa inay soo fara-geliyaan beesha caalamka, si xal buuxo looga gaaro arrintaan muranka badan dhalisay ee Aqalka Sare baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in gelinka dambe ee maanta ay go’aan kama dambeys ah kasoo baxaan shirka.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!