Dacwad xilka looga qaadayo madaxweyne Xasan Sheekh oo loo gudbiyay wakiiladda beesha caalamka (SAWIRO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya kulan kuwada yeeshay wakiiladda beesha caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya iyo siyaasiyiinta xisbiyada iyo musharixiinta ee doorashada madaxtinimo ee dhici doonta dhamaadka sanadkaan 2016-ka.

Kulankaasi ayaa ahaa mid ay siyaasiyiinta xisbiyadda iyo musharixiintaba dacwad kaga gudbinayeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana dacwadda laga gudbiyay madaxweynaha ay ahayd sida soo socota:-

  • In Xasan Sheekh aan lagu qaabilin sida madaxweyne weli xil haya oo kale.
  • Inuu sida ugu dhaqsiyaha badan xilka ku wareejiyo gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari
  • In gebi ahaan la hakiyo shirka Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

Kulankaan ayaa kusoo beegmeya xilli madaxweyne Xasan Sheekh oo habeenkii xalay shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho uu jawaab culus ku siiyay siyaasiyiintaasi iyo musharixiinta mudooyinkii dambe eedeymo iyo dhaliilo la daba joogay dowladda uu isaga madaxweynaha ka yahay.

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siyaasiyiintaasi iyo musharixiinta ka qeyb galeysa doorashada dhamaadka sanadkaan 2016-ka ka dhici doonta dalka uu u sheegay inay marka hore naftooda hagaajiyaan, islamarkaasna ay u diyaar garoobaan inay dalka wax u qabtaan (HALKAAN KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID EE MADAXWEYNE XASAN)

Siyaasiyiinta iyo musharixiinta dacwada ka gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ka mid ahaa C/weli Sheekh Axmed, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Salaad Cali Jeele, Cali Xaaji Xirsi, C/raxmaan C/shakuur, C/qaadir Barnaamij, Axmed Macalin Fiqi, C/raxmaan Baadiyow, iyo kuwa kale.

kulan_siyaasiyiin_wakiilo_beesha_caalamkakulan_siyaasiyiin_wakiilo_beesha_caalamka_02 kulan_siyaasiyiin_wakiilo_beesha_caalamka_03 kulan_siyaasiyiin_wakiilo_beesha_caalamka_04

error: Content is protected !!