Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadweyne badan salaadda Ciidda kula tukaday masjidka Isbaheysiga (SAWIRO)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka ayaa maanta boqolaal qof oo shacab ah salaadda Ciidda ah kula tukaday masjidka weyn ee Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta kale ee salaadda Ciidda ku tukatay masjidka Isbaheysiga ayaa waxaa ka mid ahaa ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo sidoo kale xubno ka tirsan golayaasha dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaadda Ciidda kadib halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa marka hore umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda, wuxuuna sidoo kale umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dhisidda dowladnimo ee dalka.

“Waxaa marka hore hambalyo ku saabsan Ciidda Carafo u dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan, waxaan kaloo rabaa inaa shacabka Soomaaliyeed u sheego in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay in laga qeyb qaato dhisidda dowladnimo, marka qof walba oo Soomaali ah waa inuu arrinkaasi ka qeyb qaataa” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo badan oo la xiriirta xaaladda dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, wuxuuna¬†dhalinyarada Al-shabaabka ka tirsan ugu baaqay inay ka tanaasulaan fikirka qaldan oo ku saabsan baabi’inta umadda Soomaaliyeed.

“Maanta amniga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, ma ahan sidii hore, sidaa la socotaan xilli waxaa jirtay magaalada aanay wax amni ah ka jirin, maantane waad arkeysaan waa Alle mahadiis, inta yar oo dhiman waxaa laga doonayaa in shacabka Soomaaliyeed ay garab ka siiyaan laamaha amniga dalka, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dhalinyadda Al-shabaabka ka tiran inay dadkoooda usoo laabtaan islamarkaana ay ka tanaasulaan fikirka qaldan oo la idinka dhaadhiciyay inay saxan yihiin balse loo jeedo inay wax qaldan yihiin” Ayuu madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

salaada_ciidda_madaxda_soomaaliyeed salaada_ciidda_madaxda_soomaaliyeed_01 salaada_ciidda_madaxda_soomaaliyeed_02 salaada_ciidda_madaxda_soomaaliyeed_03 salaada_ciidda_madaxda_soomaaliyeed_04 salaada_ciidda_madaxda_soomaaliyeed_05 salaada_ciidda_madaxda_soomaaliyeed_06

error: Content is protected !!