Madaxweyne Xasan Sheekh oo u jawaabay musharixiinta kula tartamaysa doorashada dalka (DAAWO VIDEO)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii xalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo aad u badan oo ku saabsan dalka iyo sidoo kale dhaliilaha mudooyinkii dambe kasoo yeerayay musharixiinta isaga madaxtinimada kula tartameysa doorashada dalka ka dhici doonta sanadkaan 2016-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore shacabka Soomaaliyeed uga hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isagoona dhinaca kale ugu baaqay inay ka qeyb qaataan gacan siinta dadka dhibaateysan maadaama ay tahay maalin farxadeed, ayna wanaagsan tahay in dadka dhan ay si isku mid u farxaan.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda amni ee dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan dulqaad islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii cadowga Soomaaliyeed looga saari lahaa dalka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka jawaabay dhaliilaha mudooyinkii dambe kaga imaanayay musharixiinta u tartameysa xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, wuxuuna dhaliilahaasi oo dhan ku tilmaamay mid nasiib darro ah islamarkaana farxad gelinaysa cadowga Soomaaliyeed.

“Waxaa maalmihii ugu dambeeysay dalka oo dhan kasoo yeerayay hadaaqyo badan oo siyaasadeed, waxaan dhihi karaa dhinaca waa nasiib wanaag, dhinac kalena waa nasiib xumo, marka hore waa wax wanaagsan in dadka dhalinyaradda Soomaaliyeed ee siyaasiyiinta ah inay dalkooda wax ka qabtaan, balse ma ahan inuu dalka iyo dowladda dhaliilo badan usoo jeediyo, maxaa yeelay arrintaasi waxay farxad gelinaysaa cadowga umadda Soomaaliyeed” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay soo bandhigaan waxkasta oo wax looga badali karo siyaasadda iyo ammaanka, balse aanay haboonayn in saxaafadda soo mariyaan hadalo aanay wax faa’ido lahayn.

“Waxaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee jecel in siyaasadda dalka ay ka qeyb-qaataan ugu baaqayaa inay soo bandhigaan ra’yigooda siyaasadeed dalka iyo dadka wax looga badeli karo, balse sharafta Soomaaliyeed kuma jirto in la dhaliilo oo kaliya balse ay u baahan tahay in wax qabad lala yimaado” Ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hadalkiisa raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xilli mudooyinkii dambe ay musharixiinta Soomaaliyeed kasoo yeerayeen dhaliilo siyaasadeed oo ay u jeedinayeen dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana dhaliilahaaasi oo dhan uu madaxweynaha ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin balse ay yihiin hadaladaii looga bartay inay sheegaan cadowga Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!