DEG DEG:- Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo daqiiqado ka-hor soo gaaray magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa goordhaw garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Wafdiga madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii ay soo degeen kadib waxaa loo galbiyay xarunta uu shirka ka furmi doono oo ah hoteel ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

kenya_president_in_somalia_01

Waxaa sidoo kale waqtiyadda soo socdo la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan mas’uuliyiinta dalalka Uganda, South Sudan iyo Sudan, si ay uga qeyb-galaan shirka madaxda urur goboleedka IGAD oo la filaayo inuu goordhaw furmo.

kenya_president_in_somalia_02 kenya_president_in_somalia_03

Shirkaasi ayaa sida la sheegay looga hadli doonnaa xaaladaha koonfurta Sudan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya, arrimo la xiriira iskaashiga iyo sidoo kale wax wada qabsiga dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!