Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminaayo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Haile-mariam Desalegn, oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka madaxda urur goboleedka IGAD.
Waxaa wafdiga ra’iisul wasaaraha Itoobiya soo dhaweeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana islamarkiiba loo gudbiyay hoteelka uu shirku ka dhici doonno.
Ammaanka goobta uu shirka ka dhacaayo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo ay magaalada Muqdisho soo gaaraan madaxda kale ee ka qeyb-gali doonta shirka madaxda urur goboleedka IGAD.
Waxyaabaha shirka looga hadli doonno ayaa la sheegayaa inay ka mid yihiin xaaladaha koonfurta Sudan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya, arrimo la xiriira iskaashiga iyo sidoo kale wax wada qabsiga dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD.
Wixii kusoo kordha la soco wararkeena dambe Insha Allaah