DEG DEG:- Wafuud hordhac ah oo goordhaw soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaaray diyaaradii ugu horeeysay oo ay saaran yihiiin wafdi hordhac u ah madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, kaas oo saacadaha soo socdo la filaayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisho.

Wafdigaasi oo ah xubno hordhac u ah wafdiga madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgeli doonna shir madaxeedka IGAD, waxaana sidoo kale wafdigaasi la socda ilaalo gaar ah.

Dhinaca kale, waxaa sidoo kale goordhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde soo caga-dhigatay diyaarad kale oo la sheegayo inay la socdaan wafdi hordhac u ah madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, oo isna maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo haatan ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa wufuudaasi kusoo dhaweeysay halkaas, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in madaxda urur goboleedka IGAD ay si is-daba joog ah usoo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!