Shirka madaxeedkii IGAD oo maanta lasoo gaba-gabeeyay iyo war-murtiyeed laga soo saaray (SAWIRO)

Shirka madaxda urur goboleedka IGAD ayaa goordhaw sii horeeysay lagu soo gaba-gabeeyay Hoteelka Peace ee ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 22 qodob.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Aamina Maxamed oo war-murtiyeedka shirkaasi saxaafadda u akhrisay ayaa ka dhawaajisay dhowr qodob oo shirkaasi looga hadlay oo si aad u quseeyay arrimaha Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa qodobadaasi:-

  • In la dhowro madax bannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
  • In si deg-deg ah lagu soo dhameystiro shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe
  • In AMISOM ay sugto ammaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.
  • In lasoo dhoweeyo horumarka ay gaareen madaxda Soomaalida ee ku mideysan madasha qaran
  • In dib u celinta qaxootiga Soomaaliya uu noqdo mid ku timaada rabitaankooda.
  • In dhinacyada Soomaalida loogu baaqay ka qeyb qaadashada geedi socodka xasilooni loogu soo dabaalayo dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo isna goobtaasi saxaafadda kula hadlay ayaa sheegay in shirkaasi looga hadlay arrimo ku saabsan isu socodka xuduudaha dalalka, dhibaatadda ka jirta duulmiyaadyadda gaar ahaan Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha qaxootiga iyo arrimo kale oo badan.

Dhinaca kale, kulan gaar ah oo ay wada yeesheen madaxweynaye Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxay uga hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha ganacsiga oo ay ugu horeeyso xayiraadda lagu soo rogay khaadka.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa isku af-gartay in la fasaxo Khaadkii ay joojisay dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana laga bilaabo maalinta berrito ah ay bilaaban doonaan duulimaadyadii Khaadka ee ka imaan jiray dalka Kenya.

igad_conference igad_conference_02igad-pressigad-press_02

error: Content is protected !!