DEG DEG:- Si toos ah “LIVE” u daawo shirka madaxda urur goboleedka IGAD ee ka socda magaalada Muqdisho

Shirka madaxda urur goboleedka IGAD ayaa goordhaw ka furmay hoteel ku yaala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana shirkaasi furay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wariyeeyaasha warbaahinta Bulshoweyn ee ku sugan goobta uu shirka ka furmay ayaa ku howlan sidii ay idinkugu soo gudbin lahayd waxkasta oo shirka kusoo kordha, waxaana haatan socota khudbadaha ay jeedinayaan madaxda ka qeyb galeysa shirka.

Ammaanka goobta uu shirka ka socdo ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana goobtaasi ku sugan ciidamo si gaar-ah u tawbaran sugidda amniga ee goobtaasi.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!