DEG DEG:- Madaxweyne Xasan Sheekh oo dib uga dhacay safarkii uu ku tagi lahaa Jowhar

War goordhaw naga soo gaaray xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ay ka baaqdeen safarkii ay ku tagi lahaayeen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Sarkaal ku sugan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka baaqday safarkii uu maanta ku tagi lahaa magaalada Jowhar, halkaasi oo ay maanta ka socotay qaban-qaabadda soo dhaweyntiisa.

Sarkaalkaasi oo magaciisa diiday inaynu warbaahinta u isticmaalno ayaa sheegay in sababta uu madaxweyna Xasan Sheekh u baaqday ay tahay kadib markii uu soo baxay qorshaha ah in madaxweyne Xasan Sheekh uu xiro shirkii madaxda madasha wada-tashiga Qaran oo maalintii shalay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake dib uga furay magaalada Muqdisho.

Warar kale oo hoose ay warbaahinta Bulshoweyn heshay ayaa sheegayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu maalinta berrito u amba-bixi doonno magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, halkaasi oo lagu wado inuu goob-joog ka noqdo soo bandhigidda xildhibaanada cusub ee gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, balse lama oga in safarkiisa uu markale dib u dhici doonno iyo inkale.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!