Waxaa maanta dib loo furay dhamaan wadooyinka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeysay u xirnaa shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo maalintii shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho.
Ciidamada nabad-sugidda qaranka iyo kuwa militeriga Soomaaliya ayaa maanta dhamaan wadooyinkaasi furay, waxaana si caadi ah kusoo noqday isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray wadooyinkaas.
Wadooyinka Makka Al-mukarama, Wadnaha, Zoobe, Sodonka iyo kuwa kale oo badan oo maalmihii ugu dambeysay xirnaa ayaa maanta waxaa lagu arkayaa gaadiidka kala duwan ee kuwa BL-ka iyo kuwa gaarka loo leeyahay oo isticmaalaya wadooyinkaas.
Sidoo kale shacab badan ayaa maanta waxay si is-daba joog ah u marayaan wadooyinkaasi oo mudooyinkii dambe u xirnaa arrimo amni awgeed, waxaana sidoo kale dib usoo laabtay dhaq-dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray wadada Makka Al-Mukarama, halkaasi oo ganacsigeeda maalmihii lasoo dhaafay xirnaa.
Ugu dambeyntii, madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Muqdisho uga mahad-celiyay dulqaadka ay ka muujiyeen xirnaanshiyaha wadooyinkaasi arrimo amni awgeed, wuxuuna madaxweynaha sheegay inay ahayd mid lagu sugaayay ammaanka shirka madaxda urur goboleedka IGAD ee maalintii shalay Muqdisho ka dhacay.