Wariye Afrika oo ka hadlay sida ay haatan xaaladiisa tahay iyo sida ay wax u dhaceen (DHAGEYSO)

Wariye C/casiis Maxamuud Afrika oo ka mid ah wariyaasha ka howlgala idaacadda dowladda ee magaalada Muqdisho ayaa ka sheekeynaya weerar uu maalintii shalay ku dhaawacmay, kaas oo uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay taliye ka tirsan militeriga Soomaaliya.

C/casiis Afrika oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo taageersan taliyaha ciidamada militeriga ee fadhigoodu yahay gobolka Sh/dhexe Saneey Cabdulle ay si bareer ah u rasaaseeyeen gaadiidka uu la socday.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadaasi ay ka qaateen moobeeladii iyo hubkii ay wateen, isagoona dhinaca kale sheegay inuu dhaawac kasoo gaaray labada lugood, oo mid ka mid ah lugihiisa ay jabtay halka lugta kalena ay rasaas ka dhex baxday.

C/casiis Afrika oo la sheego inuu yahay wariyaha hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA u qaabilsan wareysiyadda dhinaca warbaahinta ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid loogu tala galay islamarkaana ciidankii Saneey lagala xisaabtami doonno arrinkaas.

error: Content is protected !!