Wasiir Maareeye oo maanta isbitaalka ku booqday Wariye C/casiis Afrika oo maalintii shalay dhaawacmay (SAWIRO)

Waxaa soo hagaagaysa xaaladda caafimaad ee Wariye C/casiis Maxamuud Afrika oo maalintii shalay ku dhaawacmay iska hor-imaad dhex maray laba ciidan oo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Weriye C/casiis Afrika oo ka mid ah wariyaasha ka howlgala idaacadda dowladda ayaa la sheegay inuu ka dhaawacmay labada lugood, oo tan midig ay xabadu jebisay halka tan bidixne ay ka dhex-baxday.

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xaryir Maareeye iyo mas’uuliyiin kale oo wasiirka la socotay ayaa isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday wariye C/casiis Afrika oo haatan u muuqda mid ay xaaladiisa soo hagaageyso.

Ugu dambeyntii wariye C/casiis Afrika ayaa dhaawaciisa ku eedeeyay taliyaha ciidanka militeriga Soomaaliga ee xarunteedu tahay gobolka Sh/dhexe Saneey Cabdulle, isagoo sheegay in ciidankiisa ay rasaasta si ula kac ah ugu fureen gaarigii uu a saarnaa.

HALKAAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA C/CASIIS AFRIKA

dhaawaca_afrika_01

error: Content is protected !!