C/weli Gaas “Waan garanaynaa nimanka meesha ka hadlaya oo marna qabiil u hadlaya, marna Somaliland baan nahay leh..” (DAAWO VIDEO)

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa saxaafadda uga warbixiyay wixii la isku af-gartay shirkii madasha wadatashiga qaran ee maalmihii ugu dambeysay ka socday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horeyntii sheegay in uljeedada ugu weyn ee shirka madasha ee Muqdisho uu ahaa sidii loo dhameystiri lahaa geedi socodka doorashooyinka 2016-ka, iyo qaabkii loo gali lahaa doorashadda iyo sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhimanaa ee xasaasiga ah.

“Waxaa shirka madasha ee Muqdisho looga wada hadlay qaabka doorashadda, qoondada dumarka, aqalka sare, waxaa  kaloo looga wada hadlay dhaqaalihii, doorashadii meelaha ay ka dhicin laheyd iyo amniga guud ee doorashadda, howlahaas oo dhan isfgarad ayaa laga gaaray” Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Gaas.

Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in 90% uu barnaamijkii doorashadu uu diyaar yahay, dhawaana la bilaabi doono diyaarintii ergooyinkii dooran lahaa xildhibaanadda barlamaanka federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhammaadka sanadka sii dooran doono madaxweynaha Soomaliya.

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa mar la weydiiyay su’aal ahayd, sida uu arko siyaasiyiin iyo odoyaal kasoo jeeda goboladda waqooyi ee Somaliland, oo shir jaraa’id ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku sheegay in qoondada Aqalka Sare laga siiyay Puntland aysan aheyn mid xaq ah ayaa yiri:-

“Waan garanaynaa nimanka meesha ka hadlaya oo marna qabiil u hadlaya, marna Somaliland baan nahay leh, ma u maleynayo niman Puntland dowladeeda iyo dhulkeeda ka turjimi kara islamarkaana ka warami kara ay yihiin” Ayuu madaxweyne Gaas hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in shirka madasha uu ahaa mid guul kusoo dhamaaday islamarkaana rajo wanaagsan ka muujiyey hirgelidda qodobadii kasoo baxay shirkaasi oo uu tilmaamay in 95% la isku afgartay.

gaas_garoowe_02gaas_garoowe_01 gaas_garoowe_03 gaas_garoowe_04 gaas_garoowe_05 gaas_garoowe_06 gaas_garoowe_07 gaas_garoowe_08 gaas_garoowe_09 gaas_garoowe_10 gaas_garoowe

error: Content is protected !!