DEG DEG:- Wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw gaaray magaalada Jowhar

Wafdi uu hogaaminaayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, halkaas oo uu haatan ka soconayo shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wafdiga madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa si aan caadi ahayn waxaa looga soo dhaweeyay garoonka magaalada Jowhar, waxaana uu safarkiisa yahay mid uu ku doonayo inuu goob-joog ka ahaado soo bandhigida xildhibaanada cusub ee gaaraya ilaa 71 mudane oo ay kala yeelanayaan gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Shirka haatan Jowhar ka soconaaya ayaa ah mid la qorsheynayo in maamul loogu sameeyo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxaana sidoo kale lagu wadaa in bisha soo socota ee October la doorto madaxweynaha uu yeelan lahaa maamulka labadaasi gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ilaa iyo haatan lama oga sida ay arrintaan ku suurto geli doonto, maadaama qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Hiiraan ay ka biyo-diideen inay ka qeyb-galaan shirka Jowhar ee maamulka loogu sameeynaayo labadaasi gobol.

Sidoo kale, dhawaan ayay ahayd markii gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) uu ku biiray waxgaradka iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda shirka Jowhar, isagoona shaaciyay in reer Hiiraan aysan marnaba aqbali doonin maamul ay gadaal ka riixeyso urur goboleedka IGAD.

Si kastaba ha ahaatee, xilliyadda soo socdo ayaa la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad ka jeediyo shirka haatan ka soconaaya magaaalda Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, waxaana la ogaan doonaa wixii shirkaasi kasoo bixi doonno.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!