Faah faahin:- Weerar lagu qaaday guri uu magaalada Baardheere ka degan yahay Sheekh Ibraahim Nuur Shacbaan

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Bam gacmeed habeenkii xalay lagu weeraray hoyga uu gudoomiyaha maxkamadda magaaalada Baardheere halkaasi ka degan yahay.

Bamkaasi ayaa sida la sheegay geystay dhaawaca 1 qof, waxaana goobta isaga baxsaday kooxihii weerarka geystay oo la sheegay inay ahaayeen laba dhalinyaro.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda ayaa gaaray goobta la weeraray, waxayna islamarkiiba halkaasi ka bilaabeen howlgalo ay ku baadi-goobayaan kooxihii falka weerarka ah ka dambeeysay.

Guriga la weeraray ayaa waxaa deganaa guddoomiyaha maxkamadda magaaladda Baardheere Sheekh Ibraahim Nuur Shacbaan, waxaana gudoomiyaha la weeraray xilli uu sii galayay hoygiisa, balse Bamka uu u gudbay gudaha gurigiisa.

Dhinaca kale, waxaa saakay xaalad deganaansho ah ay ka jirtaa magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay habeenkii xalay qaraxyadda laga maqlay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa mudooyinkii ugu dambeysay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ka dhacaaayay qaraxyada ceynkaan oo kale ah, waxaana ay halkaasi qaraxyadda ka noqdeen kuwo xilli kasta soo laalaabta.

error: Content is protected !!