Guddiga doorashooyinka dadban oo ka dhawaajiyay hadal naxdin ku ah musharixiinta faraha badan

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee heerka federaaliga ah Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ayaa ka dhawaajiyay hadal naxdin ku abuuray musharaxiinta faraha badan ee xilka madaxweynaha ka raadinaya dalka Soomaaliya.

Guddoomiye Cumar Dhagey oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa kulan uu la qaatay jaaliyadda Soomaalida ah ee halkaasi ku nool wuxuu u sheegay in qof kasta aanu noqon karin musharax madaxweyne, hadii aanu soo buuxin shuruudaha laga doonaya qofkaasi isa-soo sharaxaya.

“Qof walba oo hadda ku dhawaaqaya musharaxnimadiisa ma ahan musharax, ilaa ay buuxiyaan shuruudaha loo diyaariyay musharixiinta, waana inay marka hore soo maraan guddiga hir-gelinta doorashooyinka dadban, islamarkaana ay kasoo baxaan shuruudaha u degsan qofka musharaxa noqonaya” Sidaas waxaa yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey)

Sidoo kale, guddoomiye Cumar Dhagey ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda ay haatan marayso howshii guddiga loo xil saaray ee arrimaha doorashooyinka dalka, wuxuuna sheegay in meel wanaagsan ay howluhu marayaan islamarkaana dhawaan si rasmi ah howlahaasi loo guddo gali doonno.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) ayaa u muuqanaya mid lagu yareeynayo musharaxiinta faraha badan ee isku caleemo saaray inay ka qeyb galaan tartanka xilka madaxtinimo ee doorashada dhici doonta dhamaadka bisha soo socota ee sanadkaan 2016-ka.

error: Content is protected !!