Siyaasiyiin iyo salaadiin kasoo jeeda Somaliland oo war-saxaafadeed kasoo saaray doorashada sanadkaan

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen waxgaradka, salaadiinta iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa waxay uga hadlayaan hanaanka doorasho iyo cabashooyinka ay qabaan dadka kasoo jeeda Somaliland.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Somaliland ay kasoo horjeedaan go’aanadii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga ee ku xusnaa saami qeybsiga Aqalka Sare, iyagoo sheegay inaysan jirin cid mataleysay dhinacooda ee u joogtay madasha, sidaasi darteedna aysan ka qeyb gali doonin doorashada 2016-ka, hadii aan la siin xaqa ay leeyihiin.

Dhinaca kale, war-saxaafadeedkaasi oo ku saxiixan 12 siyaasi oo uu ugu horeeyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo 20 oday kale ayaa lagu sheegay in cadaalad darro weyn ay ka jirto qaabka loo qeybiyay Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub.

Hadaba nuqul ka mid ah war-saxaafadeedkaasi ayaa soo gaaray warbaahinta Bulshoweyn waxaana uu u qornaa sida hoose ku xusan:-

siyaasiyiinta-iyo-salaadiinta-beelaha-kasoo-jeeda-somaliland siyaasiyiinta-iyo-salaadiinta-beelaha-kasoo-jeeda-somaliland01

error: Content is protected !!