Siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta magaalada B/weyne u tagay inay fashiliyaan shirka Jowhar (SAWIRO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in maanta ay halkaasi gaareen musharixiin iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah oo taageeraya odayaasha diidan shirka haatan ka soconaya magaalada Jowhar ee maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Xubnahaasi maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada B/weyne ayaa ka mid ah gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, C/raxmaan C/shakuur, ra’iisul wasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed, Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, C/raxmaan Macalin Baadiyow iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, xubnahaasi ayaa kulan la qaatay  Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, waxaana ay kulankoodi uga wada-hadleen arrinta shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, kaasi oo haatan ka soconaya magaalada Jowhar.

Ugu dambeyntii xubnahaasi ayaa uljeedka socdaalka ay ku tageen magaalada B/weyne ah inay taageeraan Odayaasha Hiiraan islamarkaana fashiliyaan dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee haatan ka soconaaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

siyaasiyiinta-iyo-mucaaradka-dowladda-soomaaliya_01 siyaasiyiinta-iyo-mucaaradka-dowladda-soomaaliya_02 siyaasiyiinta-iyo-mucaaradka-dowladda-soomaaliya_03 siyaasiyiinta-iyo-mucaaradka-dowladda-soomaaliya_04 siyaasiyiinta-iyo-mucaaradka-dowladda-soomaaliya_05

error: Content is protected !!