Ciidanka huwanta ah oo dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro sarkaal sare

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo ay si wadajir ah maalintii shalay u fuliyeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, kaas oo sida la sheegay lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro sarkaal sare.

Dilka sarkaalkaasi iyo tirada kale ee Shabaabka ka tirsan ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii ciidamadaas huwanta ah ay weerar aad u culus ku qaadeen xero ay ku sugnaayeen dagaalyahanadda Al-shabaab oo ku taala degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay ciidanka AMISOM oo lagu magacaabo Korneel Joe Kibet ayaa sheegay in ciidankaasi ay sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas badan.

“Waxay ciidankeenu dileen dagaalyahanno Shabaabka ka tirsan badan oo uu ku jiro sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa degmada Awdheegle, waxayna sidoo kale dhaawaceen kuwo kale, ciidankeena iyo kuwa militeriga ee dowladda Soomaaliya waxay kaloo gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas badan” Sidaas waxaa yiri afhayeen u hadlay ciidanka AMISOM ee lagu magacaabo Korneel Joe Kibet.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada militeriga ee dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM ayaa maalmahaan dambe bilaabay howlgalo culus oo ay ku baacsanayaan Al-shabaab, kahor doorashooyinka qorsheeysan ee la filaayo in dabayaaqada sanadkan ay dalka ka dhacdo.

error: Content is protected !!