DEG DEG:- Nabadoon caan ah oo goordhaw lagu dilay degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa goordhaw xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ku dilay nin nabadoon ah oo si aad looga yaqaanay degmadaasi.

Allaha u naxariistee marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray nabadoon Afweyne Tiiteeye, waxaana la dilay xilli uu kusii socday gurigiisa.

Kooxdii dilka geystay ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada nabad-sugidda qaranka, waxayna goobtaasi ka sameeyeen howlgalo lagu raadinaayo kooxihii dilka geystay.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid falkaasi dilka ah loosoo qabtay, waxaana ilaa iyo haatan la ogayn sababta falka dilka ah loogu geystay nabadoonkaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!