Dowladda Mareykanka oo shaacisay inay dileen madaxii kooxda Daacish ee u qaabilsanaa dhinaca warfaafinta

War qoraal ah oo uu soo saaray afhayeenka waaxda gaashaandhigga ee dowladda Mareykanka Peter Cook ayaa lagu sheegay in madixii kooxda Daacish ugu qaabilsanaa warfaafinta la dilay.

Mas’uulkaasi la dilay oo lagu magacaabi jiray Dr. Waa’il Caadil Xasan Salmaan Al-faayid ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ka dhacday magaaladda Raqa ee dalka Syria.

Dr. Waa’il ayaa kooxda Daacish u qaabilsanaa arrimaha warfaafinta, diyaarinta muuqaaladda Video-ga ee dilalka iyo boro-bogaandada ee lagu baahiyo Internetka, wuxuuna aad ugu dhawaa afhayeenkii kooxda Daacish, Abu Maxamed Al-cadnaani, oo isna bishii lasoo dhaafay ee August 30-keedi la dilay.

Dhinaca kale, waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegtay inay liiska argagixisadda ku dareen dagaalyahan u dhashay dalka Faransiiska, kaas oo lagu magacaabo Cumar Dibay.

Cumar Dibay ayaa sida la sheegay madax u ah qiyaastii 50 dagaalyahano shisheeye ah oo ka tirsan kooxda Jabhatul Fatax Al-shaam ee ka dagaalanta dalka Syria.

error: Content is protected !!