Xawaaladda Taaj oo la sheegay in nidaam aan sharci ahayn lacagaha ugu dirto dalka Kenya

Xawaaladda Taaj ee lacagaha ku xawisha teleefoon-gacmeedyadda (Mobile Phones)-ka ayaa la xaqiijiyay inay nidaam aan sharci ahayn lacagaha ugu xawisho dadka ku nool gudaha dalka Kenya.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay in lacagaha ay shirkadda Taaj soo diraan ugu soo dhacaan keyd-xisaabeedka mobeyladooda ee M-PESA oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

“Macaamiisha M-PESA waxay lacagaha ay shirkadda Taaj soo dirto ka helaan isla M-PESA, iyadoo uusan jirin heshiis rasmi ah oo ay la galeen Safaricom” Sidaas waxaa yiri ganacsade ku sugan Nairobi, kaasi oo walaac ka muujiyey khatarta ka dhalan karta arrintaasi.

Sidoo kale, inta badan dadka ku nool waqooyi barri Kenya ayaa sheegay inay lacagaha shirkadda Taaj loogu soo diro ay si fudud uga helaan keyd lacageedka mobeyladooda M-PESA ee shirkadda Safaricom.

Mas’uuliyiinta shirkadda Sfaraicom ee leh milkiyadda M-PESA ayaan la ogeyn talaabadda ay kaga hortagi doonaan sifaha aan sharciga ahayn ee xawaaladad Taaj lacagaha usoo dhex mariyaan nidaamka lacageedka Mobeylka ee M-PESA.

Dhinaca kale, hay’addaha Kenya ee dabagalka lacagaha lagu xawilo Mobeylada ayaa horay u sheegay in malaayiin doollar la isku weydaarsado xawaaladaha Mobeyladda.

Ugu dambeyntii, saraakiisha Kenyanka ayaa dhowr bilood ka hor waxay ka war heleen in xawaaladaha aan sharciga lahayn ay lacago ku taakuleeyaan dembiilayaasha iyo maleeshiyooyinka howlgaladda ka fuliya gudaha dalka Kenya.

error: Content is protected !!