Xisbiyadda mucaaradka iyo odayaasha Hiiraan oo go’aan wadajir ah ka gaaray shirka Jowhar (DHAGEYSO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaar ka mid ah mas’uuliyiinta xisbiyadda mucaaradka ee dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta halkaasi si wadajir ah usoo saareen war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

War-murtiyeedkaasi oo uu saxaafadda u aqriyay afhayeenka xisbiyadda mucaaradka ee midoobay C/qaadir Barnaamij ayaa waxaa ka mid ahaa in shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe dib loo dhigo, ilaa doorashadda la filaayo inay dalka ka dhacdo bisha soo socoto ee October.

Waxaa sidoo kale war-murtiyeedkaasi loogu baaqay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in sida ugu dhaqsiyaha badan uu xilka ugu wareejiyo gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, maadaama xilliga waqtigiisa uu dhamaaday.

Ugu dambeyntii, mas’uuliyiinta xisbiyadda mucaaradka ayaa sheegay in sababta loo dadajinayo dhismaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ay tahay in goboladaasi laga sameeyo olole doorasho ee lagu taageeraayo in markale dib loosoo doorto madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

error: Content is protected !!