XOG:- C/risaaq Cumar oo dhawaan xilka iska casili doono kadibne isku soo sharixi doonno xil kale (AKHRISO)

Warar hoose oo aynu ka heleyno xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya loo diyaarinayo inuu isku soo sharaxo xika madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Saraakiil ka tirsan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay in C/risaaq Cumar Maxamed oo ah wasiirka amniga qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya uu doonayo inuu haatan isku soo sharaxo xilka madaxweynaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Wasiirka ayaa sida la sheegay qorsheeynaya in maalmaha soo socdo uu ku dhawaaqo inuu xilka haatan haayo iska casilo, si markaasi kadib uu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo arrintaan cadaadis xoogan ku saaray wasiirka ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn sida ay ku suurto-gali doonto, maadaama urur goboleedka IGAD ay dhinacooda iyagana ka wataan musharax kale oo magaciisa lagu sheegay Cali Caraale.

Dhinaca kale, waxaa haatan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ku sugan ilaa 4 musharax kale oo doonaya inay u tartamaan xilka madaxtinimo ee maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, iyadoona qorshaha cusub ee dib loogu furay shirka Jowhar uu ku dhisan yahay in madaxweyne cusub loo caleemo saaro siyaasi kasoo jeeda beesha Xawaadle, si xal loogu helo cabashada beeshaasi iyo diidmada ay kala hor timid maamulka loo dhisaayo labada gobol.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xasuustaa in hore uu kaalin weyn uga soo qaatay dhisidda maamulka Galmudug, wuxuuna xilligaasi taageerayay madaxweynaha haatan xilka ka haaya maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed, isagoona haatan damacsan in madaxweynaha maamulka gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe uu qabto shaqsi uu isaga wato.

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo haatan lama oga sida ay arrinkaasi ku dambeyn doonto, waxaana ay dad badan aamisan yihiin in hadii uu madaxweyne Xasan Sheekh arrinkaan ku guuleysto inay ka dhigan tahay inuu qaaday talaabo uu mar kale kusoo laaban doonno xilka madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!