DEG DEG:- Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Jeneraal Goobaale oo ku dhintay

Waxaa goordhaw qarax ismiidaamin oo aad u xoogan lala eegtay gaari uu la socday Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Jimcaale Rooble “Jeneraal Goobaale”, kaas oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Qaraxa lagu weeraray Jeneraal Goobaale ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay gaari uu Jeneraalka la socday, kaas oo xilligaasi marayay inta u dhaxeeysa wasaaradda gaashaandhigga iyo xerada Guul-wadeyaasha ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa qaraxaasi ku geerootay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo Jeneraalka xilligaasi la socday, inkastoo aan la ogeyn inta ay tiradooda gaarsiisan tahay.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa xaqiijiyay geeridda Jeneraal Goobaale iyo 7 ka mid ah ciidamadii la socatay, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Dib ayaa sawiradda qaraxa idinkaga soo gudbin doonnaa

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!