Faah faahin:- Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Jeneraal Goobaale iyo Al-shabaab oo sheegatay (SAWIRO)

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday gaari uu la socday Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Jimcaale Rooble oo loo yaqaanay Jeneraal Goobaale, kaas oo ka tirsanaa taliyeyaasha guutadda seddaxaad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Qaraxa lagu weeraray Jeneraal Goobaale ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay gaari uu Jeneraalka la socday, kaas oo xilligaasi marayay inta u dhaxeeysa wasaaradda gaashaandhigga iyo xerada Guul-wadeyaasha ee ku taala degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in ciidamada ilaalada u ahayd Jeneraal Goobaale ee xilligaasi la socotay ay rasaas badan ku fureen gaarigii miineysnaa kahor inta uusan qaraxa geysan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Jeneraal Goobaale iyo 7 ka mid ah ciidamadii isaga la socatay, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay islamarkiiba soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Dhinaca kale, Xarakada Al-shabaab ayaa islamarkiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi maanta lagu dilay Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Jimcaale Rooble oo loo yaqaanay Jeneraal Goobaale iyo sidoo kale ciidamadii isaga ilaalada u ahayd.

qarax-lagu-dilay-taliye-goobaale_02qarax-lagu-dilay-taliye-goobaale_01qarax-lagu-dilay-taliye-goobaale_03 qarax-lagu-dilay-taliye-goobaale_04 qarax-lagu-dilay-taliye-goobaale_05

error: Content is protected !!