Nin mindi ku hubeysan oo weerar culus ka geystay xarun ganacsi oo ku taala gobolka Minnesota (SAWIRO)

Warar goordhaw nasoo gaaray ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof lagu dhaawacay xarun ganacsi ah oo ku taala magaalada St Cloud oo ka tirsan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Weerarkaasi ayaa sida la sheegay geystay nin xirnaa dharka ay qaataan shirkadaha ammaanka ee sida gaarka ah loo leeyahay, waxaana xilliga uu weerarka geysanayay uu gudaha u soo galay goob ganacsi oo ku taala magaalada St Cloud oo ka tirsan gobolka Minnesota.

Ciidanka booliska ayaa toogtay ninkaasi weerarka geystay, waxaana sida aynu kasoo xiganay ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in ninka falkaasi geystay uu asalkiisu kasoo jeedo Soomaaliya,

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in ninka weerarka geystay uu ku dhawaaqayay magaca Alle, islamarkaana uu weydiiyay qof ka mid ah dadkii uu weeraray inuu yahay Muslim yahay iyo inkale.

Ugu dambeyntii, dhamaan dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa la sheegayaa inay xaaladooda caafimaad tahay mid wanaagsan islamarkaana aanay jirin qof dhaawac halis ah qaba, sidaas waxaa warbaahinta uu xaqiijiyay taliyaha ciidanka booliska St Cloud ee gobolka Minnesota William Blair Anderson.

st_cloud_mall_attack st_cloud_mall_attack_02 st_cloud_mall_attack_03

error: Content is protected !!