XOG:- Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo si xun uga carooday safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ee Jowhar

Ilo xog-ogaal ah aynu ka heleyno xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu cirka isku sii shareeray khilaafkii u dhaxeeyay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ee la xiriirta arrinta shirka Jowhar ee maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Sarkaal ka tirsan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa inoo sheegay in ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu safarkii madaxweyne Xasan Sheekh ku tagay magaalada Jowhar ku tilmaamay mid sharci darro ah islamarkaana aan laga fiirsan, maadaama howsha dhismaha maamul goboleedyadda dalka tahay mid u taala xukuumada federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sarkaalkaasi inoo sheegay in ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu marar badan oo hore tallo kusoo jeediyay in dib loo dhigo shirka Jowhar ee maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe, madaama dhinacyadii loo baahnaa inay maamulkaa wada-dhistaan isku aragti ka aheyn shirkaas.

“Annaga ka xukuumad ahaan ma qabno in dalka carqalad kale loo horseedo, maxaa yeelay natiijadii laga dhaxlay dhismihii maamulka Galmudug waan ognahay oo ilaa iyo hadda aan wax shaqo ah ka qaban deegaanadii loo idmaday inuu ka howlgalo, sidaas awgeed ma rabno in labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe, yeeshaan maamul  gacan ku sameys ah oo marka danbe fadhiid iska noqda” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa ku tilmaamay deg-dega ku jiro madaxweyne Xasan Sheekh iyo IGAD ay tahay mid la moodo inay baal-marsan tahay sharciga islamarkaana tilmaamay inuu arrinkaasi ka xukuumad ahaan ka digayaan.

“Dabcan deg dega ku jira madaxweyne Xasan Sheekh iyo IGAD waxaa moodaa mid sharciga baalmarsan, sidaas daraadeed waan ka digeynaa mar kale inay halkaa lagu sameeyo maamul hal dhinac ah” Ayuu hadalkiisa raaciyay ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa dhawaantaan shirkii ugu danbeeyay ee madasha wadatashiga Qaran ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ka cadeeyay mowqifkiisa ku aadan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee ka soconaaya magaalada Jowhar, waxayna arrinkaasi ka careeysiisay madaxweyne Xasan Sheekh oo haatan ku dhiiran dhismaha maamulka labadaasi gobol.

DIGNIIN:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!