XOG RASMI AH:- Maxaadan ilaa iyo haatan ogeyn oo ka socda madaxtooyadda Villa Soomaaliya? (AKHRISO)

Warar hoose ee naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Villa Somaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay ay halkaasi ka socdeen kulamo xasaasi ah oo looga arrinsanayo olalaha doorasho ee madaxtinimada dalka, gaar ahaan ololaha madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilaha aynu kasoo xiganayno arrinkaasi ayaa inoo sheegay in xarunta madaxtooyadda ay ka socoto diyaar-garoowga qaabkii loo wajihi lahaa olalaha doorasho ee Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo habeen ka hor munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho ku shaaciyay musharaxnimadiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa inuu guddiyo kala duwan uu u xil saaray inay iibiyaan siyaasadiisa ee ku aadan ololaha doorasho, si mar kale uu u hanto kursiga madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Guddigaas ayaa sida aynu ku helnay xogta waxaa ka mid ah siyaasiyiin caan ah oo qaarkood xilal dalka horay uga soo qabtay, kuwaas oo ku dadaalaya in mar kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku guuleysto doorashada dalka ka dhici doonta bisha October ee sanadkaan 2016-ka.

Dhinaca kale, waxaa jirta baqdin weyn oo ay gudiyadan ka qabaan siyaasiyiin la filaayo inay kula tartamaan xilka madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo qaarkood kulamo kala duwan ku yeeshay Muqdisho iyo Nairobi lagana yaabo in marka ugu danbeysa awoodooda mideeyaan, si codadka ay meel kaliya isugu geeyaan.

Waxaa haatan shaqsiga ugu cad-cad ee uu wal-walka weyn uu ka qabo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo todobaadkaan gudihiisa laga filayo inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, islamarkaana uu shaaciyo musharaxnimadiisa doorashada.

Ugu dambeyntii, dadka sida weyn u odorasa siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aanay wax fursad ah u harin, madaama umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka intaba ka niyad jabeen hab dhaqankiisa maamul mudadii Afarta sanno aheyd ee lasoo dhaafay ee uu xilka haayay.

Digniin:- Fadlan Dhowr Xuquuqda Qoraalka

error: Content is protected !!