“Heshiiska laguma sheegi karo wax kama jiraan oo keliya, waayo mid ka mid ah saxiixayaasha ayaa heshiiska ku xad-gudbay..”

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai oo ka mid ah ergadda dowladda Kenya u mataleeyso dacwadda ka socota maxkamadda garsoorka caalamiga (ICJ) ayaa ku dooday inuu jiro heshiis sax ah (A valid agreement) oo ay la galeen Soomaaliya sanadkii 2009-kii oo muujinaya inay labada dowladood  muranka xuduud-baddeedka ka gaareen heshiis is-faham (A memorandum of agreement) oo loo soo gaabiyo MOU.

Waxa uu Githu Muigai intaasi ku daray inay Soomaaliya ku boodeen qoriga, markii ay buuxiyeen Gal-dacwadeedka hor-yaala maxkamadda ICJ, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna carabka ku dhuftay inuu jiray wada-xaajood diplomaasiyadeed oo lagu saxiixsay heshiis lagu xalinayo muranka xuduud-badeedka.

Dhinaca kale, garyaqaanka ay dowladda Kenya usoo kireeysatay dacwadda ka socota maxkamadda ICJ oo lagu magacaabo Kariim Khaan waxa uu ku eedeeyey Soomaaliya inay bedelayso kiiskaasi, kadib, markii ay xaqiiqsadeen inuu ansax yahay heshiiski is-fahamka (MOU) ee ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kala saxiixdeen sanadkii 2009-kii, waa sida uu hadalka u yiri.

“Heshiiska laguma sheegi karo wax kama jiraan oo keliya, waayo mid ka mid ah saxiixayaasha ayaa heshiiska ku xad-gudbay”¬†Ayuu ku dooday qareenka Kariim Khaan.

Wuxuuna sii raaciyay in ra’isul-wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya ee xilligan Cumar C/rashiid uu saxiixay heshiiskaasi, loona baahan yahay inuu ka laabto saxiixiisa, si dacwadda weji cusub u yeelato.

Heshiiskaasi is-fahamka waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiirkii qorsheynta ee dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame, iyadoo Kenyana uu u saxiixay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Moses Wetangula.

Sanadkii 2009-kii ayay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya gaareen heshiis is-faham, balse baarlamaanka Soomaaliya ayaa laalay heshiiskaasi.

Ugu dambeyntii, bishii July ee sanadkii 2014-kii dowladda Soomaaliya waxay buuxisay Gal-dacwadeed looga cabanayo Kenya oo sheeganayso milkiyadda xuduud-badeed Soomaaliya leedahay oo masaafadiisu dhan tahay 100,000-km oo isku wareeg ah.

error: Content is protected !!