Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin ka diray dacwadda u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya (DAAWO VIDEO)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay muranka Badda ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay  in dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedaba aanay marnaba joojin doonin inay dib ceshato xaqa ka maqan

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo shacabkaba aanay ka hari doonin inta Soomaaliya ay ka maqan tahay dhibic biyo ah,  isla markaana aysan ogolaan doonin in si sahal ah lagu qaato.

“Maanta waxaa bilaabanaya dacwadii Badda ahayd ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya, dacwadaas kooxda sharci yaqaanada Soomaaliya maxkamadda ayay tagayaan, waxaa rabnaa annagu muhiimada dacwadda waxay tahay dhulka biyaha ay Soomaaliya leedahay, hal mitirna inaan laga tanaasulin, waxaana kalsooni ku qabnaa inaan saxannahay oo waxaan ku doodayno ay yihiin wax xaq ah oo aan leennahay, waxaana rabnaa inaa xaqeena kusoo dhacsano si xadaareysan, dowladda Soomaaliyeedne waxay ku dadaalaysaa in Baddaasi ay gacanta Soomaalida dib ugu soo noqoto” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Xasan Sheekh

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya xilli maanta oo Isniin ah ay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda oo ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ay ka bilaabanayso dhageysiga dacwada u dhaxeeysa Kenya iyo Soomaaliya.

error: Content is protected !!