Al-shabaab oo digniin kasoo saartay doorashada dalka ka dhici doonta bisha soo socota ee October (DHAGEYSO)

Xarakada Al-shabaab ayaa soo saartay hanjabaad cusub oo ku aadan doorashadda la filaayo inay dalka dhacdo bisha October ee sanadkaan 2016-ka, xillli qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ay si xoogan ay uga socdaan diyaar-garowga loogu jiro arimaha doorashooyinka.

Afhayeenka guud ee ee Xarakada Al-shabaab Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa farriin uusoo diray ku sheegay inay beegsan doonaan goobaha lagu qaban doono doorashooyinka dalka, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay qorshaha u degsan mujaahidiinta.

“Maanta way iska cad-dahay sida loo kala qeybinaayo kuwa maamul goboleedyadda, waxaasne waa uljeedka ay reer Galbeedka ka leeyihiin Soomaaliya, marka go’aanka haatan u degsan mujaahidiinta ee doorashadaas waa dagaal iyo dil, oo lagula dagaalamayo doorashada dadban ee ah fikirka reer galbeedka oo umaddaan lagu halaajinaayo” Sidaas waxaa yiri afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere)

Dhinaca kale, afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere ayaa digniin u diray odayaasha soo xulaya xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, isagoona u sheegay inaysan noqon jaran-jaro gaaladu ku gaarto danaheeda, islamarkaana ay faraha kala baxaan arrimahaas.

Wuxuu sidoo kale Cali Dheere baaq u diray dagaalyahanadda Al-shabaab isagoona ku booriyay inay weeraro ku qaadaan goobaha lagu qabanaayo doorashooyinka dadban ee dowladda federaalka Soomaaliya islamarkaana ay beegsadaan dhamaan dadka wada qaban-qaabada doorashooyinkaas la qorsheynayo inay ka dhacaan bisha soo socota.

error: Content is protected !!