DEG DEG:- Shir maamul u gaar ah loogu sameynayo gobolka Hiiraan oo haatan ka socda magaalada B/weyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegayaa in halkaasi uu goordhaw ka bilawday shir la sheegay in gobolkaas maamul u gaar ah loogu sameynayo.

Shirkaasi oo ay ka qeyb galayaan duubabka gobolka Hiiraan uu ka mid yahay Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, iyo siyaasiyiin kale uu ka mid yahay xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa ah mid maamul gaar ah loogu sameynayo gobolkaas.

Shirkaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalintii shalay xog-hayaha joogta ah ee wasaarrada arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya uu ku dhawaajiyay in ergada ku sugan magaalada Jowhar ay isku afgarteen sida loo qeybsanayo xildhibaanadda baarlamaanka maamulka la sheegay in loo dhisayo labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Ilaa iyo haatan lama oga waxa kasoo bixi doonno shirkaas haatan ka socda magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana shirkaasi uu haatan yahay mid weli ka soconaaya, iyadoona aanay jirin wax war ah oo kasoo yeeray mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan shirka haatan la sheegay in maamul u gaar ah loogu sameynayo gobolka Hiiraan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!