Dowladda Kenya oo laga yaabo inay maalinta berri soo bandhigto heshiis kale oo cusub (DHAGEYSO)

Iyadoo maalinta berrito dowladda Kenya laga sugaayo inay jawaab ka bixiso dacwadda maanta ay soo jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadane waxaa laga cabsi qabaa in dowladda Kenya ay maxkamadda cadaaladda adduunka (ICJ) ee magaalada Hague kusoo bandhigto heshiis kale oo ay dhawaan la gashay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu haatan madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaasi ay la gashay dowladda Kenya waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda C/salaan Hadliye Cumar, halka dowladda Kenya ay u saxiixday wasiirka arrimaha dibadda Aamina Maxamed.

heshiis_soomaaliya_kenya_01

Wuxuu heshiiskaasi dhigayaa in labada dal ay iska kaashadaan dhinaca diblomaasiyadda, islamarkaana wixii khilaaf ee soo dhex gala ay wada-hadal ku dhameystaan.

Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa heshiisyo hore ku kala saxiixday magaalooyinka Addis Abbaba iyo Nairobi, waxaana arrintaasi laga muujiyay wal-wal aad u xoogan.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir haatanna ah musharax u taagan doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegay in laga cabsi qabo in dowladda Kenya ay maalinta berri ah soo bandhigaan heshiisyo horleh oo ay la galeen dowladda uu haatan hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

error: Content is protected !!