Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo gaaray Garoowe kana hadlay uljeedka safarkiisa (SAWIRO)

Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, halkaasi oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay.

Waxaa ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha Puntland ayaa waxay faahfaahin dheeraad ah kaga bixiyeen uljeedada rasmiga ee socdaalka ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo saxaafadda kula hadlay xarunta madaxtooyadda maamulka Puntland ayaa marka hore sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Puntland, iyadoo ay ka socoto qaban-qaabada iyo diyaargarowga doorashadda dadban, islamarkaana maalmaha soo socdo uu usii gudbi doonno goboladda kale ee dalka.

“Marka hore waxaan aad ugu faraxsanahay imaanshiyaha aan imid Puntland, sababta aan u imidne waxay tahay inaanu u kuurgalno sida ay wax u socdaan, waxaa lagu jiraa waqti doorasho, soomaaliya oo dhan ayaa doorashadu ka dhaceeysa, waxayna doorashadan noqoneysaa mid taariikhi ah, muddo 47 sanno kahor ayaa ugu dambeysay dalkaan in doorasho noocan oo kale ah ay ka dhacdo” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa dhinaca kale rajo aad u weyn ka muujiyay in doorashadda labada aqal iyo doorashada madaxweynuhu ay ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isagoona sidoo kale aad u ammaanay nabadgelyadda iyo horumarka ka jira deegaanadda Puntland.

Marka laga soo tago hadalka ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu kaga warbixinaayo uljeedada socdaalkiisa ayaa warar hoose ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa waxay sheegaysaa in maalmaha soo socdo uu halkaasi si rasmi ah kaga dhawaaqo inuu yahay musharax ka qeyb gali doonno doorashada sanadkaan 2016-ka ka dhici doonta dalka Soomaaliya.

Warar kale oo ilaa iyo haatan aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in uljeedka ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid uu magaalada Garoowe u tagaayo ay tahay olole uu ku doonayo inuu xubin baarlamaan uga soo helo degaanadda uu kasoo jeedo ee Puntland, halkaas oo ah goobta lagu dooranayo xildhibaanada labada aqal ee deegaanada halkaasi ka tirsan.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo uu booqdo gobolo iyo deegaano kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya, waxaana uu ra’iisul wasaaraha u muuqdaa mid uu taageero ugu raadinaayo ololihiisa doorasho ee uu ka qeyb gali doonno sanadkaan 2016-ka.

garowe_rw_cumar garowe_rw_cumar_02 garowe_rw_cumar_03 garowe_rw_cumar_04 garowe_rw_cumar_05 garowe_rw_cumar_06 garowe_rw_cumar_07 garowe_rw_cumar_08 garowe_rw_cumar_09 garowe_rw_cumar_10 garowe_rw_cumar_12

error: Content is protected !!