DEG DEG:- Banaanbax aad u balaaran oo haatan ka socdo taaladda Daljirka Dahsoon ee Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan taaladda Dajirka Dahsoon ka socdo banaanbax aad u balaaran oo looga soo horjeedo muran Baddeedka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana dadka ka qeyb galaya ka mid ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka gobolka.

Sidoo kale, banaanbaxaan ayaa kusoo beegmayaa xilli dhageysiga dooda dacwada Badda ee u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya ay ka socoto maxkamadda cadaaladda caalamiga (ICJ) ee ku taalo magaalada Hague ee dalka Holland.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo ka dhan ah sida ay dowladda Kenya ugu soo gardarootay inay si xoog ah ku qaadato Badda Soomaaliya.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa baaq culus u diray shacabka Muqdisho, isagoona ugu baaqay inay kasoo qeyb-galaan banaanbaxaan uljeedkiisa yahay sidii loo muujin lahaa in shacabka Soomaaliyeed ay kasoo horjeedaan boobka ay dowladda Kenya ku dooneyso inay ku qaadato Badda Soomaaliya.

banaanbax_muqdisho_badda_soomaaliya_01 banaanbax_muqdisho_badda_soomaaliya_02 banaanbax_muqdisho_badda_soomaaliya_03 banaanbax_muqdisho_badda_soomaaliya_04banaanbax_muqdisho_badda_soomaaliya_05 banaanbax_muqdisho_badda_soomaaliya_06 banaanbax_muqdisho_badda_soomaaliya_07

Wixii kusoo kordha warkaan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!