“Shirka ka socda Jowhar waa mid lagu damacsan yahay in lagu boobo xildhibaano, si doorashada loogu galo..”

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo wareysi siiyay mid ka mid ah idaacaddaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in odoyaasha dhaqanka B/weyne ay go’aan ku gaareen inay sameeyaan maamul u gaar ah gobolka Hiiraan.

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo marka hore ka hadlay shirka ka socda magaalada Jowhar ee maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid ay ka dambeyso danno siyaasadeed, balse aysan ka jirin niyad wanaag.

Wuxuu xildhibaanku sheegay in shirka maamulka loogu sameynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe uu yahay mid loogu yeeray dad ajaanib ah oo dadkii howshaa iska lahaa laga faquuqay, taas oo ula jeedo in odayaasha kasoo jeeda gobolka Hiiraan lagu faquuqay shirkaas.

“Shirka ka socda Jowhar waa mid lagu damacsan yahay in lagu boobo xildhibaano, si doorashada loogu galo, waana shir aan ka tarjumeyn rabitaanka shacabka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe, dadbaa wax isku darsadee dowladi wax ma sameysato” Sidaas waxaa yiri xildhibaan C/laahi Goodax Barre.

Dhinaca kale, xildhibaanka ayaa sheegay in waxgaradka iyo salaadiinta reer Hiiraan ay magaalada B/weyne isugu yimaadeen shir ay ku go’aansadeen inay sameystaan maamul u gaar ah gobolka Hiiraan, isagoona tilmaamay in shirkaasi uu ahaa mid loo dhamaa islamarkaana aysan jirin cid ka maqneyd.

“Shirka B/weyne ka dhacay waxuu ahaa mid si qurux badan u dhacay, waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Hiiraan, hadii ay tahay ugaasyadda, nabadoonadda, samadoonadda, waxgaradka iyo maamulka gobolka oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Yuusuf Dabageed iyo sidoo kale dad siyaasiyiin ah oo kale oo aniguba aan ka mid ahaa, waxaana shirkaasi laga soo jeediyay khudbado la xiriira maamul u sameynta iyo waxaan ay dowladdu tiri maamul baa laga sameynayaa Jowhar, waxayna duubabku go’aan ku gaareen in Hiiraan ay sameystaan maamul goboleed gaar ah, howshaasna ay ka howlgalaayaan muddo gaaban gudaheed.” Sidaas waxaa yiri xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo isaga gobol ahaan kasoo jeeda Hiiraan.

Ilaa iyo haatan lama oga caqabadaha uu shirka B/weyne ku yeelan doonno shirka maamulka loogu sameeynayo gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe ee haatan sida xowliga ah uga socdo magaalada Jowhar, waxaana shirkaasi la filayaa in dhawaan looga dhawaaqo maamul cusub oo ay aqoonsan tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!