Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo maanta ku wajahan magaalada Qardho

Wafdi uu hogaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa maanta la filayaa inay gaaraan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magaalada Qardho kula kulmi doonno salaadiintada iyo waxgaradka ku sugan magaaladaas, iyadoona sidoo kale ay jiri doonaan kulamo kale oo qeybaha bulshada uu la yeelan doono, si uu ugu soo bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed ee dalka.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah musharaxiinta u tartameeysa doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, taas oo la filayo inay dalka ka dhacdo bisha Octobar ee 2016-ka, waxaana sida la sheegay socdaalka uu ku marayo deegaanada Puntland ay qeyb ka ah olololihiisa doorasho uu ku doonayo inuu ka muujiyo deegaanada uu asal ahaan kasoo jeedo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!