Dadweyne badan oo maanta Muqdisho kusoo bandhigay taageeradda ay u haayaan Sheekh Shariif (SAWIRO)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya isku soo baxay dadweyne aad u badan, kuwaas oo muujinayay sida taageeradda weyn ay u haayaan madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Sheekh Shariif oo muddo 4 sanno ah dalka ka maqnaa ayaa markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa halkaasi si aan caadi ahayn ugu soo dhaweeyay shacab badan iyo mas’uuliyiin hore xilal uga haayay dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa maalmaha soo socdo la filayaa in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqo inuu yahay musharax u taagan tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa lagu tiriyaa inuu yahay musharaxa kaliya oo ciriiri gelin kara madaxweynaha haatan xilka haaya ee Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hadal haynta ugu weyn ee haatan magaalada Muqdisho ka jirta ay tahay, sidee ayay kusoo dhamaan doontaa tartanka Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

soo_dhaweyntii_sheekh_shariif soo_dhaweyntii_sheekh_shariif_01 soo_dhaweyntii_sheekh_shariif_02 soo_dhaweyntii_sheekh_shariif_03 soo_dhaweyntii_sheekh_shariif_05 soo_dhaweyntii_sheekh_shariif_06 soo_dhaweyntii_sheekh_shariif_07 soo_dhaweyntii_sheekh_shariif_08

error: Content is protected !!