Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo si maldahan afka uga canaantay madaxweyne Xasan Sheekh (DHAGEYSO)

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeymaha maalmihii ugu dambeysay loo jeedinaayay xukuumadii KMG ahayd uu 2009-ka ra’iisul wasaaraha ka ahaa, taas oo ku aadan kiiska dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee ku taala magaalada Garoowe ayaa sheegay inay jiraan dad siyaasadeeyey arrinta dacwadda Badda islamarkaana u isticmaalay arrintaasi ololaha doorashada ay tahay mid ayaan darro ah.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa ka digay in dadka Soomaaliyeed la marin habaabiyo, islamarkaana shaqsiyaad xil-doon ah ay magac ku raadsadaan iyagoo magaca ka dilaya xukumadiisii sanadkii 2009-ka oo shaqsi ahaan weeraraya.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa beeniyay inuu jiro heshiis ay la galeen dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan arrimaha Badda Soomaaliya, isagoona dhinaca kale tilmaamay inaysan jirin wax saxiix ah oo Badda Soomaaliya lagu bixiyay.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo dadkaasi aan si toos ah u magacaabin ayaa hadane si maldahan u sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka danbeeyo adeegsiga dacwadda Badda

“Waa ayaan darro in arrinta Badda Soomaaliya laga dhigo mid lagu raadiyo olole doorasho, waxaana dadka arrimahaasi ku jira u sheegayaa inay ka waantoobaan, ma ahan in xukuumadii KMG ahayd oo aan ra’iisul wasaaraha ka ahaa sanadkii 2009-ka magaca laga dilo, iyadoo sidoo kale ay jirto in aflagaado loo geysto dadkii madaxda ka ahaa xukuumadaas” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

error: Content is protected !!