Cabdi Abshir “Warqadaasi qalad baa ku jira, sidii aa u rabay ma aha, saxiixana waa saxiixayga..” (DHAGEYSO)

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalaada Muqdisho Cabdi Abshir Jaamac ayaa si kulul u beeniyay warqad maalin kahor kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo saxaafadda looga mamnuucay inay gudaha u galaan garoonkaasi muddo 60 maalmood ah.

Maareeyaha oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in warqadaasi loo keenay xilli uu mashquulsanaa kadibne uu saxiixay, isagoona sheegay in warqadaasi markeedii hore uu xog-heyntiisa si qalad ah usoo qoray.

Sidoo kale, wuxuu maareeyaha tilmaamay in amarka mamnuucistu ay ahayd in garoonka amar la’aan lala soo gali karin Kaamirooyinka wax lagu sawiro ama lagu duubo, kuwaas oo uu ku sheegay inay cadowga dalka u isticmaali karaan falal basaasnimo ah.

“Warqadaasi qalad baa ku jira, sidii aa u rabay ma aha, saxiixana waa saxiixayga, waxaana saxiixay anigoo aan aqrisan, balse arrinta aan ka hadalnay ma ahayn mamnuucid, ee waxay ahayd in kaamirooyinka ay wariyaashu wax ku duubayaan aan la socono, si aan wax loogu basaasin” Sidaasi waxaa yiri maareeyaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Cabdi Abshir Jaamac

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray maareeyaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Cabdi Abshir Jaamac ayaa kusoo beegmaya maalintii shalay uu magaalada kusoo wajahnaa madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana sidoo kale amarka mamnuucista saxafiyiinta ee garoonkaasi lagu tilmaamay mid lagu caburinayo musharixiinta Soomaaliyeed ee halkaasi kasoo dagaya iyo saxaafadda xorta ah.


Warqada oo ku saxiixan maareeyaha hoos ka aqriso:-

warqad_digniin_ah

error: Content is protected !!