DEG DEG:- Gaari nooca raaxadda ah oo ku gubanaya afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya

War goordhaw kusoo dhacay xafiiska warabaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya in afaafka hore ee laga galo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho uu haatan ku gubanayo gaari nooca raaxadda ah oo aan la ogeyn waxa sababay gubashadiisa.

Gaarigaasi oo weli kuhor gubanaya afaafka hore ee xarunta madaxtooyada ayaa wararka qaar sheegayaan in gaarigaasi uu dabka ka kacay kadib markii sida la sheegay uu ku dhacay dhagax shub ah lagu gooyo meesha laga soo galo madaxtooyada, sidaasna uu dabku u qabsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda iyo kooxaha u qaabilsan dab-daminta ayaa haatan ka qeyb qaadanaya dadaalka lagu daminayo gaarigaasi dabku qabsaday.

Ma jirto wax faah-faahin ah intaasi dheer oo laga helaayo warka ku saabsan gaariga haatan weli ku gubanaya afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!